Waxaan uga mahadceliyay naadiga Qalinqoyan doorkooda muhiimka ah ee wacyigelinta, hormarinta akhris-qoraalka Ummada Soomaaliyeed, iyo kaalintooda u jiheynya dhallinyarada dhinaca hormarka iyo aqoonta.
Kulanka ka dhacay xarunta Xisbiga wuxuu ku bilowday wadatashi ku saabsan Xaalada Kala Guurka dalka, iyo sida loo xoojin karo doorka aqoonyahannada ee horumarinta bulshada iyo ilaalinta nabadda.
Waxaan si gaar ah u adkeeynayaa muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya hogaanka siyaasadda iyo aqoonyahannada, maadaama ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee hagta jihada bulshada.





