Abdikafi Mohamud Makaran

Guddoomiye ku xigeenka Abdikafi oo Muqdisho ku soo xirey kulan ciyaareed

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Urur siyaasadeedka Xornimo iyo Xaqsoor Mudane Abdikafi Mahamud Makaraan ayaa caawa u qabtay kulan ciyaareed isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay Magalada Muqdisho. Urur siyaasadeedka Xornimo iyo Xaqsoor oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada, wada noolaanshaha iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kulankan ujeeddadiisu ahayd in lagu dhiirrigeliyo dhalinyarada, korna loogu qaado wada shaqeynta bulshada, isla markaana lagu abuuro jawi nabadeed oo horseeda isfaham iyo wadajir.
Kulankan ciyaareed waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan ururka, odayaal dhaqan, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimada, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyay tallaabadan, kuna tilmaamay mid wax ku ool ah oo gacan ka geysaneysa adkeynta xiriirka bulshada.
Ugu dambeyn, Mudane Abdikafi Mahamud Makaraan ayaa adkeeyay in Ururka Xornimo iyo Xaqsoor uu sii wadi doono barnaamijyada noocan oo kale ah ee lagu horumarinayo isdhexgalka bulshada, nabadda iyo ka qeybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed
Scroll to Top
Abdikafi Mohamud Makaran
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.