Waxaan maanta xarunta Xisbiga kulan kula qaatay Culumaa’diinka Gobolka Banaadir. Waxaan uga mahadceliyay culumaa’udiinka doorkooda muhiimka ah ee xasilloonida, wacyigelinta bulshada iyo dhowrista midnimada ummadda. Kulanka maanta ka dhacay xarunta Xisbiga wuxuu ku bilowday wadatashi ku saabsan Doorashooyinka dalka, iyo sida loo xoojin karo doorka diinta ee horumarinta bulshada iyo ilaalinta nabadda.
Kulankan ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya hogaanka siyaasadda iyo culimada, maadaama ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee hagta jihada bulshada.
